|
Paris,(insidesomalia.org)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa intii uu kulankaas socday waxaa uu ka codsaday Dowladda Faransiiska in ay Dowladda Federaalka siiso kaalmo Mileteri, si loo xasiliyo Dalka Soomaaliya oo muddo 18 sano ku dhowaad ah xasilooni la’aan ku jira.
Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale waxaa uu ka codsaday Dowladda Faransiiska in ay gacan ka geysato sidii wax looga qaban lahaa kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Dalka Soomaaliya, isagoo soo dhaweeyay in Lix Nin oo Burcad Badeed ah oo dhawaan laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya lagu Maxkamadeeyo Dalka Faransiiska.
Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay waxa ka jira warar ay faafiyeen qaar ka mid ah Saxaafadda Faransiiska oo ku saabsanaa in Burcad Badeedka la soo qabtay ay dhamaantood ka soo jeedaan Beeshiisa, waxaa uu yiri “Aan isku reer ahaano ama yeynan ahaanin, aniga waa isugu key mid, mana kala jecli, waxaana soo dhaweynayaa in dembiga ay galeen lagu Maxkameeyo, lana mariyo wixii ay sharciga hortiisa ka helaan”.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo kulankaas kadib Saxafiyiin kula hadlayay Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska ayaa wuxuu sheegay in uu Dowladda Faransiiska weydiistay in ay ka kaalmeyso sugidda Ammaanka Badda iyo Berriga Soomaaliya, wuxuuna rajeeyay in Dowladda Faransiiska ay codsigiisa jawaab ka bixin doonto.
Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Bernad Kouchner ayaa sheegay in ay Dowladdiisa siineyso Soomaaliya taageero dhinaca Logistic-kada ah iyo mid ku saabsan dhinaca la-dagaalanka Burcad Badeedka, isagoo dhinaca kalena sheegay in ay Dowladda Faransiiska tababar ku siisay Dalka Burundi ilaa 2,000 oo Askari, isla markaana ay u gudbisay Soomaaliya oo ay haatan ka howlgelayaan.
|